Tuesday, July 26, 2011

Abaaraha Soomaaliya iyo Halganka Nolosha

Bismilah

Soomaaliya waxay waligeed mari jirtay abaar iyo barwaaqaba, marka la yaab malaha in abaaraha aad loo maqlo, laakiin waxaa walwel leh xaalada maanta Soomaaliya oo aan dawlad lahayn iyo dhibaatada ku habsatay. 60-kii sano ee la soo dhaafay Soomaalidu waxay barteen in wax la yiraahdo dawlad ay qiimo leedahay, oo hawlaha ay ka barteen waxaa ka mida ahaa adeegyada ijtimaaciga (dadweynaha) ama Citizen's service loo yaqaano afka ingiriiska, hawlahaas waxaa ka mid ahaa badbaadinta ummadda waqtiga dhibaatooyinka dabiiciga dhacaan, sida abaarta hadda jirta ama marka daadadku qaadaan dadka iyo duunyadaba. Haddaba hadaan dib isu weydiino wixii ka horeeyey xornimadii Jamhuuriyada Soomaaliya, sidee Soomaaliyi uga badabaadi jirtay dhibaatooyinka dabiiciga ee dhici jiray? ma dadweynaha aduunka ayaa wax la soo gaari jirey sida hadda mise sidaas bay ku bas beeli jireen dad iyo duunyaba? Dadka ka badbaadana maxaa caashar u ahaan jiray?

waxaan u malaynayaa in su'aalahaas ay toosh ku ifin karaan soo jiritaankii ummaddan Soomaaliyeed ee dhulka geeska Afrika. Waxaana lagu qiyaasay inay dhulkaas ku noolaayeen Soomaalidu muddo ku dhaw 3000 oo sano. Hadaba inta aniga nolashayda ku siman waxaa Soomaalida soo maray abaaro waaweyn oo kala reebay dad iyo duunyaba, galaaftayna dabiicadii iyo dhirtii ka bixi jirtay dhulkaas, kuwaas waxaa ugu weynaa abaartii dabadheer, marka laga reebo tan hadda socota, kuwo aan magac loo yeerina waa jirtaa oo aan goobjoog u soo ahaa. Waalidkay waxay goobjoog u ahaayeen abaartii Baastaaley iyo kuwo kale oo badan oo aanan hadda xusuusan. Haddaba maxaa cashar u ah oo ummadaan kaga gaashaamatay si ay uga badbaado masiibaooyinkan oo kale? Waxaa iiga muuqata waxba.

Economics 101.1
Waa quraanka ilaahay, hadii aynan kitaabka Eebbe garabmari lahayna waa horey cashar qaadan lahayd, xasuuso suuratu Yuusuf waa "food Security", markii riyada loo keenay nabi yuusuf (cs), todobada sano oo barwaaqo iyo todoba sano oo abaar ah oo daba joogta tii hore micnaheedu waa in bakhaarada la buuxiyo, taasoo dhacday in xataa dawladu faraha la gasho cunto qaybinta (rationing ) . Haddaba ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in si wadajir ah Allah ugu toobad keenaan, una soo jeestaan inay ka faa'iidaystaan cilmiga ilaahay kitaabka dhexdhigay, kaasoo ummadaha aduunka ku dhaqan oo dhan maanta qaateen, taasi waa tixgalinta danta guud (dawladnimada iyo wadjirka) iyo ku dhaqanka cilmiga.

Waxaan rajaynayaa in dadka degan dhulkaas mudug iyo galgaduud ay walaalahood u gurmadaan oo hilib oodkac ah ama qalajiyeen u diraan si naxirrista eebbe ugu sii kororto. "Irxam Man filarli yarxamuka man fil arli" Xadiis Nabiga (SCW), kuwa dhulka jooga u naxariista kan cirka jooga (Allah) ayaa idiin naxriisane.

Waa hadal kooban hadii aadan Soomaaliga akhrin karin, waan ka xumahay by Salah

Wednesday, July 20, 2011

Halganka Nolosha

Allah aha u naxariistee waxaa buug qoray 197o horaantisii Shire Jaamac Axmed oo ahaa Alifihii farta Soomaaliga ee aan hadda wax ku qorayo, buugaas oo ku saabsanaa halganka nolosha ee mar walba ummadaha aduunka ku nool horyaala loona baahan yahay in ay la falgalaan (la hardamaan). Maanta oo Shire uu mootan yahay muddo ka badan toban sano waxaa ummadda Soomaaliyeed horyaala waxyaabihii uu shire ka fakarayey muddo ku dhow afartan sano ka hor. Waxaa maanta haysta ummaddan oo ah dibu dhaca dhinac walba leh, waa wax ka yimid in ummadan ay danteedii wadajirka ahayd u istaagi weydey.

Tuesday, May 31, 2011

Dib U Dhiska Dhabad iyo Gelinsoor

Dadaalka dib loogu dhisayo Dhulka ay degto beesha wagar ayaa hadda si xawli ah u socda, ayadoo ay u istaageen dhalinyarada, aqoonyahanada, odayaasha, hooyooyinka beesha ee ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Kacdoonkaas waxaa horkacaya dhlinyarada beesha ee u qurbaha ku nool, ayaagoo la tashanaya odayaasha iyo inta horumarka jecel. Waxaa horumar wayn laga sameeyey dhisida xiriirka qurba joogta oo hadda meel fiican maraya, waxaana ayana ka marnayn hawlaha gudaha laga bilaabay ee nabad raadinta ah kuna wajahan sidii ay dhulkeeda beeshu ugu noqon lahayd si nabad ah.

Haddaba si dhibaatada jirta wax looga qabto cadaaladna loogu helo beeshan waxaa dhalinyaradu isla garatay in sadex talaabo la qaado.
1) In Beeshan dhulkeeda ku soo noqoto dibna u dhisato inta ay hadda ahaysatana ku mintido
2) In Beeshan maamul casri ah loo sameeyo, kaasoo ay soo doortaan si xor ah, waqtina ku dhaca.
3) In Beeshan laga kaalmeeyo dib u dhiska mashaariicda ijtimaaciga sida Isbitalada, iskoolada iwm.

Ujeedada ugu weyn ee dhalinta qurba joogtu waa inay Beeshan u helaan cadaalad dhexdooda ah iyo mid deriska walaalahood ahba, tan labaadna inay ka qayb qaataan maamulka Soomaaliya inta degta iyo maamulka kililka 5 inta degta xaqoodana u doodaan.

Tuesday, March 30, 2010

Dedaalka Dibada iyo Dibudhaca Gudaha

Muddo Sanad ku dhaw baanan wax ku darin blogan aan ugu talagalay waxbarshada ummada degta waqooyiga Galgaduud, maanta oo aan jooga Alexandria VA, waxaan arkay in blogu uu aniga ii yahay dib u jaleecid wixii aan la jeclayn ummadan iyo wixii aan qabanay ama noo suurtoobay.

Marka ugu horaysa nooma suurtoobin ololihii dhaqaale ee aan sanadkii hore aan ku talo galay inaan budget sanadle ah u uruurino iskoolada oo dhan si looga maarmo in macalimiinta wax dhigta loo waayo bilaha qaarkood lacag ama kiradaba la bixin waayo. Lacagtaas oo aan is niri hadii qofwalba oo jooga goboolka Minnesota, waa meeshan joogee, waxaa ka soo baxaysa wax saldhig u noqon kara in la helo iskoolo tayo leh oo qorshe iyo budgetba yeelan kara. Ilaahay kheyr ha ka siiyee waxaa nala gartay ariintaas dad aad u yar oo sidii loogu talo galey dhiibay. Dadka intoodii badnayd waxba nagama hoos qaadin waana nala garan waayeen qiimaha arintan ay leedahay iyo sida cawaaqibka iyo nustaqbalka ummadan ay wax uga badali kartay. Anigu waxaan u arkaa in ummadan wax badan ka dhimanyihiin oo aan ka hor degnay, xalkana ay u aragto qaaraan aan lagu talo gali karin. Walina waxaan qabaa in jidkaasu ahaa kan ugu fiican ee wax loogu qaban karayey ummadan dhibaatadu la hartay, qofwalbana waxaa ku soo aadi lahayd waxaan dhamanyn 200 sanadka dhan, sidaan ku qornay qorsheyntii hore..

Sanadkaa waxaa nagu soo kordhay iskool kale oo laga furay cabudwaaq, kaasoo aan ka iri hal eray 'Ma 13 sano ka dib bay ogaadeen qiimaha iskoolku u leeyahay caruurtooda', taas waxaan uga jeedaa markii aan bilownay waxbarshada cabudwaaq baa 13-14 sano ka soo wareegtay, ayadoo iskoolada badankooodu ka dhismeen bartamaha magaalada ayey ummadanu gaaran weydey inay caruurtoodii gaari waayaan iskooladii la dhisay oo dad kale oo waloolohood ah ka xigsadeen. Ujeedaduna waxaa weeye ayaga iyo walaalhood hadii ay wax wadaqabsan waayeen ma waxay garan waayeen inay ayagu wax dhistaan ama ay soo dirsadaan codsi si wax loola qabto.

waxaa kaloo ka qabsoomay Minnesota Fundraising kale oo ka duwan sidii kii hore u wadnay kaasoo dhalinyaradu is tiri hadii tii hore soconweydey bal tana ku daya. Taas waxaa ka soo xarooday lacag ku dhaw labo kun waxayna ku baxday iskoolka Kismaayo oo ilaa kun doolar qaatay iyo gadasho dhulka iskoolka Cabudwaaq oo lagu daray olole kale oo lacag uruurin ah oo la qabtay bishii dec. 2009. Waxaan mahad uga celinayaa sanadkaas dhalintii aan ka daalin arintaas oo aan ka niyad jabin inay wax uun ka qabtaan arintaas anoo ka xusaya Cabdulahi Shandrawo iyo gudiga kismaayo, Warda iyo odageeda Maxamed Geelqaad, Sahra Xuseen weyne, Cabdirisaaq Garoos, Cabdirisaaq Balanbalis, iyo dhamaan dadkii sadaqadaas ka qayb qaatay ajarkeena aakhiro allah ha noogu daro.

wabilahi tawfiiq
salah
Alexandria, VA

Saturday, February 21, 2009

Ololaha Taakulaynta Waxbarshada



Machadka Daarul Culuum, Kismayo

Waa machad udhigma dugsi sare, waxaana loogu talo galay in dhalinta qoryaha wadata ee dhaafaya waqtigii waxbarshada dib loogu dhaqan celiyo. Talo galka ugu weyna waa inay muddo 2 sano ah ku dhamaystiraan aqoonta aas-aasiga ah ee dugsiga sare.

Aas-aaskii machadka:

Machadka waxaa la aasasay bishii Nov 2006, waxaaana lagu aasaasay rag isugu jira maleeshiyaadkii hubaysnaa, dhalinyaro soo koreysey, rag waawayn iyo gabdhaba, waxaana cadadkoodu gaarayay markii la bilaabay ilaa 120 qof,( 80 tameeyo raga iyo 40 tameeyo dumara). Tiradaas iyada ah xilligii labaad 2007 hoos ayay xoogaa u dhacday oo waxaa ardayda xiliga labaad loo furay uu cadadkoodu gaarayaa ilaa sideetan iyo dhawr arday. furitaankiisii waxaa ka qayb qaatay odoyaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo saraakiisha magalada kismaayo joogtay, waxayna ahayd hawl ay dhamaan u midaysan yihiin in ay dadka waxbarashada diyaarka u ah lagu dhiiri galiyo laguna taageero tacliinta. Video ku saabsan xiritaanka iskoolka ayaa soo gaaray USA iyo EU raadi hadii aad rabtid aragtida xafladahaas.

Machadka waxaa loo qabtay guri kiro ah oo Villa ah, waxaana loo qalabeeyay fasaladii iyo xafiiska wolow qalabayntii wali wax ka dhiman yihiin sida combuterkii, coby iyo waxyaabo kale. Xilligii hore ee 2008 ardadu waxay gaareen 188 arday oo 38-40 ka mid ah ay agoon yihiin, waxaa kaloo mashruuca lagu daray in la ijaaray gaari bas ah oo ardada agoonta lagu geeyo iskoolka. Agoosto 2008 markii dagaaladu ka dheceen kismayo waxaa dugsiga ku soo korortay arday dhan ila 70 arday oo cusub.

Waxbarashada:

Waxaa loo qabtay sadex macalin oo mid kamida uu yahay maamulaha machadka isla markaana ah ninka dhiga madooyinka diiniga oo dhan. Ninkan wuxuu macalin ka ahaa machad sare oo ku yaala Goldogob oo uu kasoo tagay si uu uga qayb qaato dhisida ummadan, asaga ayaana hadda mas’uul ka ah hawsha ka socota iskuulka.
madooyinka uu dhigo waxaa ka mida : Qiraa'ada quraanka iyo tafsiirka oo isku meel maraya, xadiiska, caqiidada, naxwaha, siirada, iyo muxaadarooyin.

Labada macalin oo kale mid wuxuu dhigaa maadada English-ka oo uu dhigo buug la yiraahdo new concept english, book 1 iyo 2 oo laba heer ah, kan kalana wuxuu dhigaa maadada carabiga, xisaabta iyo soomaaliga oo qofkii aan aqoon loo dhigo. Ardaydu waa ilaa sadex heer oo kala sareeya. Ardayda qayb waxay gashaa aroortii ilaa duhurka , qaybta kalana waxay galaan duhurka bacdigiis ilaa maqribka hortiisa. Waxbarashada ardada waxaa lagu tilmaami karaa mid ay niyad weyn u hayaan oo ay rabaan inay heer sare ka gaaraan. Dagaaladii kismaayo ee dhawaan waxay noqdeen dhalintani kuwo fiiro dheer oo aan dib ugu noqon jirinimo iyo inay ka qayb galaan dagaal aynan go’aankiisa wax ku lahayn ogeyna meeluu ka bilowdo, ku dhamaado iyo ujeedadiisaba midna. Sida darteed waxaa la dhihi karaa waa laga jibo keenay ujeedadii laga lahaa oo ahayd inay dadkanu isdaba qabtaan oo asaagooda tiigsadaan.


Dhaqalaha:

Bishii waxaa ku baxa (intii ka horeysay July 2008) 1850 usd, oo 300 ay tahay quraac fudud oo isugu jirta shaah, muus iwm, oo subax walba loo sameeyo ardayda soo kalahda oo gasha xiisadaha aroortii baxa, inta kalana waxay ku baxdaa musharka maclamiinta, kirada guriga, nadaafada, korontada, biyaha, iwm.

Lacagtaas waxa isku xilsaaray inay bil walba diyaariyaan walaalaha indheergaradka ah ee kala jooga yurub iyo maraykanka oo ilaa labaatameyo nin oo iyagu bixiya ama kasoo aruuriya dadka ehelka ah, runtiina waa lagu gulaystay in aysan hawshaasi dayacmin ilaa haddana wax dayaca kama jiro hawshaas.
Waxaa labadii bilood ee ugu danbaysay 2008, bixinta kharashka nagala qaybqaatay Ururka SDF ee u ololeeya waxbarashada ummada sade meelay dagaanba. Runtii uruku asagoo ay iskooladii gobalada galgaduud iyo Gedo taakuleyntoodu ay ku soo wada furmeen ayey hadana mudnaan dheeraad ah siyeen iskoolka kismaayo, waxaana hubaa in hawlwadeenada urukan ay jeebkooda ka baxsheen ka dib markii ay arkeen meesha taakuleynteenu joogto iyo qiimaha dheeraadka ah ee ay siinayeen hawsha ay walaaleheen iskuulka gacanta ku haya ay soo qabteen.


Project 2009 :

Dadka dibadaha jooga waxay qabteen shirar badan oo looga hadlay habkii ummadan looga saari lahaa dhibaatada dibudhaceed ee ay ku jirto iyo dariiqii loo mari lahaa. Shirarkaas oo qaybo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan iyo meelo kala duwan lagu qabtay waxaa la isla arkay in arrintan loo gurmado lana helo dhaqaalo sanadeedle ah oo wax looga qabto arimahan soo sheeganay.

Shirarkii 31dii Agoosto 2008 ee ay aqoonyahanadu Minneapolis ku yeesheen waxaa lagu go’aansaday, in aan wax ka qabano uguna hormaro mashruucaas kheyriga ah sannadka 2009. Haddaba waxaa walaale/ walaashay lagaaga baahan yahay inaad ka qayb qaadatid arintan oo aan ka dhabayno waxqabadkeena. Habka uu u shaqaynayo mashruucan iyo sida loola xisaabtamayo hogaamiyayaasha mashruuca waraaqda lifaaqa ka fiiri.

Umadaan ayadu wax qabsan oo si urursan wax ku qabsan tafaraaruq iyo dibu dhac kama baxdo, waxaana ku rajo weynahay inaad noqotid xubin muhiim ah oo ka saarta jiilka ka dambeeya ee ummadan jahliga iyo dibudhaca haysta. Waxaan kaloo jecelnahay in aan ka duwanaano aabayaasheenii hore oo wax iskool iyo waxbarsho ah aan umaadan si wadajir ah wax ugu qaban. Haddii aad eedayn lahayd dadkii naga horeeyey allah ha u naxariistee inaanay waxbarasho iyo isku duubnaan ummadan uga tagin tani maanta adiga iyo aniga ayey noo taalaa, waxan qabano ayaa xisaab noo ah oo aan kaga duwanaan karnaa dadkaas aan kor ku sheegnay. Wixii aan qabano labo meel bay geli a) markaan dhimano kheyr baan hormarsanay oo ajar ayaa allah naga siin, b) markay noqoto maxay ka tageen dadkii naga horeeyeyna waa jawaab taariikhdu xusi doonto.

Walaale/ walaashay qofna kaligii wax ma qaban karo, gacmo wadajir bay wax ku qabtaan, taageero kuligeen ah ayaa wax ka badali kara arinta mustaqbalka ummadan iyo midda soomaliyeedba.


Dhibka Naga Haysta Dhaqaalaha

 Dakhliga oo ah mid isbadbadala bil walba aan lagu tashan karin
 In aan la qorshayn karin in la sii balaariyo mashaariicda hadda jirta
 In aan kuwo cusub la bilaabi karin, ayadoo wax saadilin ah aan lagu samayn karin sanadaha soo socda waxa soo xaroon kara.

Sida Loo Xalinayo :
 In sanadkii hal mar la ururiyo dhaqaale loogu talo galo iskoolada iyo mashaariicda kaleba
 In la xoojiyo gudiga waxbarasho ee hadda jira
 In gudigaasu masuul ka noqdo horumarinta iyo qorshaynta waxbarashada
 In sanad walba julay (ama waqtiga la isla garto) ay u soo gudbiyaan gudiga dhexe qorshaha(planning) iyo kharashka(budget) waxbarasho.
 Inay isla waqtigaas soo gudbiyaan warbixin (report) ku saabsan xisaabtii hore iyo siday ku baxday iyo waliba wixii hirgalay.
 Warbixintaas in internetka la galiyo si qofwalba u arko
 Inay gudigaasu masuul ka noqdaan habsami u isticmaalka kharashka lagu aaminay iyo xisaabtankiisa.

Sidee loo qabanayaa lacagta sanadkan :
 Bisha febraayo ilaa dhamaadka maarso in loo gurmado soo xaraynta tabarucaadka.
 In kharashka la waydiinayo noqdo $200 qof walba sanadkii oo dhan hal mar, si ay u fududaato in qof walba ka qayb qaato
 Hadii la helo 100 qof oo reer Minneapolis ah bixiyaana 200 oo doolar qofkiiba waxaa la heli karayaa hanti waxtarleh.

Tuesday, September 30, 2008

Ciid Mubaarak

Ciid Mubaarak, soonkan kii naloo aqbalay oo naarta nalaka xoreeyey allah ha ka yeelo.
Dhamaantiin ku ciida ciid damaashaad iyo farxad leh, intii xanuunsan allah ha caafiyo intii dhunsanna allah ha hanuuniyo, dadkeenana dhibka allah ha ka korqaado.

Lacagtii aan ka codsanay SDF ee iskoolka kismaayo waxaan helay 1200 dlr kasoo ah sadex bilood macalimiinta mushaarkooda, kheyr allah ha ka siiyo dadaalka iyo tixgelinta dheeraadka ah ee ay na siiyeen. Anka nagoo og meelaha badan ee kharashka uga baahan iyo fundrisinka_ka inta soo xarootay baan ku qanacnay waxaan walaaleheen ka helay.

lacagtaas waxaa diray Indhacase oo reer Ottowa, Ca ah waxaana loo diray masuulka iskoolka si toos ah, saasna waxaa amray sh. cabdirashid dhoof.

Saturday, September 13, 2008

Codsi budget loo gudbiyey SDF

Att: SDF org.
Refr: Prof. Warsame, Ali malaq, Suldan

Machadka Daarul Culuum, Kismayo

Waa machad udhigma dugsi sare, waxaana loogu talo galay in dhalinta qoryaha wadata ee dhaafaya waqtigii waxbarshada dib loogu dhaqan celiyo. Talo galka ugu weyna waa inay muddo 2 sano ah ku dhamaystiraan aqoonta aas-aasiga ah ee dugsiga sare.

Aas-aaskii machadka:

Machadka waxaa la aasasay bishii Nov 2006,waxaaana lagu aasaasay rag isugu jira maleeshiyaadkii hubaysnaa iyo dhalinyaro kale iyo rag waawaynba iyo dumar,waxaana cadadkoodu gaarayay markii la bilaabay ilaa 120 qof,( 80 tameeyo raga iyo 40 tameeyo dumara). Tiradaas iyada ah xilligii labaad 2007 hoos ayay xoogaa u dhacday oo waxaa ardayda xiliga labaad lo furay uu cadadkoodu gaarayaa ilaa sideetan iyo dhawr arday. furitaankiisii waxaa ka qayb qaatay odoyaasha dhaqankla, siyaasiinta iyo saraakiisha magalada kismayo joogta, waxayna ahayd hawl ay dhamaan u midaysan yihiin in ay dadka wax barashada diyarka u ah lagu dhiiri galiyo laguna taageero tacliinta.

Waxaa loo qabtay guri kiro ah oo filla ah, waxaana loo qalabeeyay fasaladii iyo xafiiska wolow qalbayntii wali wax ka dhiman yihiin sida computerkii, copy iyo waxyaabo kale. Xilligii hore ee 2008 ardadu waxay gaareen 188 arday oo 38-40 ka mid ah ay agoon yihiin, waxaa kaloo mashruuca lagu daray in la ijaaray gaari bas ah oo ardada agoonta lagu geeyo iskoolka. Agoosto markii dagaaladu ka dheceen kismayo waxaa dugsiga ku soo korortay arday dhan ila 70 arday oo cusub.

Waxbarashada:

Waxaa loo qabtay sadex macalin oo mid kamida uu yahay maamulaha machadka isla markana ah ninka dhiga madooyinka diinigaa o dhan. Ninkan wuxuu macalin ka ahaa machad sare oo ku yaala goldogob oo uu kasoo tagay si uu uga qayb qaato dhisida ummadan, asaga ayaana hadda mas’uul ka ah hawsha ka socota iskuulka.
madooyinka uu dhigo waxaa ka mida : Qiraa'ada quraanka iyo tafsiirka oo isku meel maraya, xadiiska, caqiidada,naxwaha,siirada, iyo muxaadarooyin.

Labada macalin oo kale mid wuxuu dhigaa maadada English-ka oo uu dhigo buug la yiraahdo new concept english, book 1 iyo 2 oo laba heer ah,kan kalana wuxuu dhigaa maadada carabia,xisaabta iyo soomaliga oo qofkii aan aqoon loo dhigo. Ardaydu waa ilaa sadex heer oo kala sareeya . ardyda qayb waxay gashaa aroortii ilaa duhurka , qaybta kalana waxay galaan duhurka bacdigiis ilaa maqribka hortiisa.


Dhaqalaha:

Bishii waxaa ku baxa (intii ka horeysay July 2008) 1850 usd, oo 300 ay tahay quraac fudud oo isugu jirta shaah, muus iwm,oo subax walba loo sameeyo ardayda soo kalahda oo gasha xiisadaha aroortii baxa, inta kalana waxay ku baxdaa musharka maclainta,kirada guriga, musharka nadiifisada,korontada,biyaha, iwm. lacagtaas waxa isku xilsaaray inay bil walba diyaariyaan walalaha ahlu kahayrkaa ee kala jooga yurub iyo maraykan oo ilaa labatameyo nin ahaa oo ama iyagu bixiya ama kasoo aruuriya dadka ehelka ah,runtiina waa lagu gulaystay in aysan hawshasi dayacmin ilaa hadana wax dayaca kama jiro hawshaas marka laga reebo walalaha rer yurub oo xoogaa kala daatay xaga isku xirnaan tooda iyo iyadoo dad badan oo reer yuruba aysan ka qayb qadan ama kaba warqabin waxa socda.

Baahida taagan iyo Codsi:

Ayadoo ay jirto baahi weyn oo ku aadanayd xagga qalabka iskoolka iyo kharashka bil walba baxa ayaa sida aan kor ku soo sheeagay waxaa iskuulka ku soo kordhay arday gaaraysa 70. Dhibka labaad ee jira waa ururkii wax u qaban jiray oo hadda xoogaa kala dhantaalmay. Dadka mas’uulka ka ah waxay codsanayaan in iskuulka la taageero inta sanadka ka harsan oo ah muddo 2-3 bilood ah. Taasi waxay fursad u siinaysaa inay dib u habayn ku sameeyaan habka ay wax u ururiyaan iskuulkuna ka xirmin ardada hadda dhigata. Kharashkaas waxaa lagu qiyaasay 2000*3=6000 usd. Waxay mas’uuliyiintu ay ku tala jiraan in liiska bixiyaasha tabaruca la badiyo lana habeeyo ayagoo waliba u taagan inta sanadka 2008 ka hartayna inay hawsha intii ay ururin karayaan ku daraan haddii xagga SDF iyo ururada kale ay kharashka wax ka daboolaan.



Wixii su’aalo dheeraad ah kala xiriir
Saalax Axmed (saalaxf@hotmail.com)