Waxbarashada
Taariikhda Waxbarasho
Intii aynan dhicin dawladii dhexe ee soomaliya 1990, waxaa degmooyinka ay degto wagardhac ka dhisnaa laba dugsi hoose/dhexe. Midka hore wuxuu ku yaaley degmada Gelinsoor kan kalena degmada Dhabad. Dugsiga hoose dhexe ee Gelinsoor oo ahaa midka ugu qadiimsan labada dugsi waxaa ka soo baxay dad badan oo ku nool dalka dibadiisa iyo gudahiisaba. Dadkaas intooda badani heer sare ayey ka gaareen waxbarashada dhinacyadeeda kala duwan. Hadda Dugsiga Gelinsoor wagardhac ma dhigato mana joogaan magaaladaas.
Dugsiga Dhabad intii dawladu dhisnayd aad bay tayadiisu u liidatay.Wixii ka dambeeyey burburkii dawladana wuxuu dugsiga dhabad soo maray heerar kala duwan. Markii ugu horeysay 1998 baa dugsigii ugu horeyeey Iqra isku dayday inay degaankaas iyo Balanbale ka furto. Dugsigaasu wuxuu halsano ka dambeeyey furitaankii dugsiga Iqra ee Cabudwaaq wuxuuna sanad ka horeeyey furitaankii dugsiga Iqra ee Ceelcade, Gedo. Dugsiyadaas aan kor ku soo sheegnay waxaa ilaa iyo markii la furay ka soo aflaxay arday aad u badan. Degmooyinka Cabudwaaq, Balanbale iyo Ceelcade maanta waxay marayaan inay ka dhisan yihiin dugsiyo sare iyo horumarkale oo si dadban ugu xiran waxbrashada. Degmada Dhabad waxaa ka jira wali hal dugsi oo ay dhigataan ardayda magaalada ku nool iyo waliba kuwo agoon ah oo magaalada ay ku hayaan dalada waxbarasho ee wagardhac.
Dalada Waxbarasho ee M. Amaanreer
Dalada waxbarashadan waxay ka kooban tahay 20 qof oo gudi ah, 10 ka mid ah waxay jogtaa W. America, 10-ka kalana Yurub. Dadka lacagta baxshana waxay kala joogaan labada qaaradood ee W. America iyo Yurub.
Dalada waxbarasho M. Amaanreer waxay gacanta ku haysaa laba dugsi waxbarasho oo ka kala dhisan Kismaayo iyo dhabad. Dugsiga kismaayo waxaa lagu magacaabaa Machadka sare ee Daarul Culuum. Machadkan waxaa wax ka dhigta arday tiradoodu dhan tahay 188 oo ay 38 arday tahay agoon si dheeraad ah wax ugu baahan. Ardadaa waxay da’doodu u dhaxaysaa13-15 jir, waxaana loogu talo galay inay muddo laba sano ah ku hantaan aqoonta dugsiga sare. Taasoo inteedii badnayd noqotay sidii loogu talo galay. Halkudhiga mashruucan wuxuu ahaa “Qoriga dhig Qalinka qaado” oo ah in dhalintaas yaryar lagu baro in jidkale oo aan qori ahayn jiro, lagana hortago inay jirri noqdaan.
Dusiga Dhabad waa dugsi hoose/dhexe oo ay wax ku bartaan arday dhan 160 ilaa 200, 28-30 ardadaa ka mid ah waa agoon. Agoontaas waxaa loo dhisay guri ay seexdaan oo ay ku baxday $7000 iyo qalabaynta oo ku kacday $2000. Waa shaqo aad u wanaagsan oo u baaahan in la sii fidiyo, xag dhismo, xag tiro arday iyo macalimiin, iyo xag dadka ka qaybqaadanaya bixinta kharashka ku baxa ee lagu taageero mashruucyadan. Waxaan hoos ku soo bandhigi doonaa kharashka ku baxa hadda mashruucyadan iyo sida lagu helo. Waxaan kaloo soo bandhigaynaa sidii aan dhamaanteen uga qaybqaadan lahayn oo hawshan salka si fiican loogu aasi, waxaan kaloo waliba ku daraynaa hamiga kale een aan ka qabno haddii system-ka aan rabno hirgalo horumarka aan gaari karno.
Kharashaka (Budget)
Kharahka ku baxa labadan mashruuc wuxuu dhamaantiis ka yimaadaa dadka M. Amaanreer ee dibada jooga qaar ka mid ah. Waxaana laga kala qaadaa dadka W. America jooga iyo kuwa yurub jooga. Habka loo ururiyo lacagahan oo hab caado dhaqameed (qaaraan) ah oo aan wali ahayn mid cilmiyeysan ayaa waxay keenaysaa in mashaariicda ay hortaagnaadaaan dhibaatooyin joogto ah.
1) Dakhliga oo ah mid isbadbadala oo aan lagu tashan karin
2) In aan lagu dhiiri gali karin in la sii balaariyo mashaariicda hadda jirta
3) In aan kuwo cusub la sii qorsheyn karin, ayadoo wax saadilin ah aan lagu samayn karin sanadaha soo socda waxa soo xaroon kara.
Bixida Kharashka
Machadka Daarul Culum Tirada ardada 188 Tirada Shaqale 9 kharashka bishii $1850 Sanadkii
$22200
Dugsiga Dhabad Tirada ardada 200 Tirada shaqaale 4-5 Kharashka bishii $1000 sanadkii $12000
Mustaqbalka (future planning)
Sida aan kor ku soo sheegnay waxaa adag in lagu talo galo wax qorsheyn ah oo ku saabsan dugsiyo cusub ama balaarinta kuwa hadda jira. Si looga baxo caqabadaas waxaa muhiim ah in hab cilmiyeysan dadka Diaspora- ha wax looga ururiyo. Dadka dibadaha jooga waa dad deeqsiya oo aad nafta ugu huray dadkeena gudaha ku jira., waxayna diyaar u yihiin inay dhisaan dugsiyo, ceelal, isbitaalo iwm. Si loo horumariyo inta hartay waxaa muhiim in qofwalba ka qayb qaato oo la helo dhaqaalo joogto ah, laguna talo geli karo sanad walba. Mashruucan hadda aan wadno oo ah dibu habaynta waxqabashada guud ayaa taas aad wax uga qabanaysa. Marka waxan soo bandhigaynaa
1. In la xoojiyo gudiga waxbarasho ee hadda jira
2. in gudigaasu masuul ka noqdo horumarinta iyo qorshaynta waxbarshada
3. In sanad walba julay (ama waqtiga la isla garto) ay u soo gudbiyaan gudiga dhexe qorshaha(planning) iyo kharashka(budget) waxbarasho.
4. Inay isla waqtigaas soo gudbiyaan warbixin(report) ku saabsan xisaabtii hore iyo siday ku baxday iyo waliba wixii hirgalay.
5. Inay gudigaasu masuul ka noqdaan habsami u isticmalka kharashka lagu aaminay iyo xisaabtankiisa.
6. In ansixinta kharashka ku baxaya mashruucyada ay soo bandhigaan ay leedahay gudiga dhexe.
Dardaaran (baahida jirta)
Waxaa muhiim ah in dhidibada loo taago dugsiyo badan si loo daboolo markay ugu yaraato 50% caruurta dugsiga waqtigiisa gaadhay. Waxaa nasiib daro in aanba wax tiro koob ah laga hayn dadkeena, sidoo kale lama yaqaan inta maanta agoon ah iyo inta iskool u baahan. Waxaan ku talinaynaa in si cilmiyeysan loo waajaho arintan, kadib marka la taago maamul, waa in la qaado taloobiyankan.
• In 2009 la tiro kobo dadka klu nool W. galgaduud ee ciddan ah
• In la ogaado inta caruur ah ee iskuul u baahan iyo agoonta tiradeeda
• In ala dhiso dugsiyo cusub oo daboola baahida waxbarasho intii awoodu gaadho
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment